Daawo: Dhibaatada loo marayo tahriibka Sweden

29

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u soo kordhay tirada tahriibayaasha ku soo wajahan wadamada Sweden iyo Germany, iyadoo shalay ay ilaa 1500 qof isugu soo urureen xuduuda wadanka Macedonia kuwaasoo si xun loola dhaqmay. Ciidamada booliska wadankaas ayaa qaxootiga waxay la dheceen sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas kale.

Waxaa sidoo kale isbuucaan la soo badbaadiyay qaxooti kor u dhaafaya 3000 qof kuwaasoo doomo ka soo raacay wadanka Libya. Qaar ka mid ah dadka la soo badbaadiyay ayaa sheegay in muqalasiintii soo saaray doonta aysan shidaal ku filan ugu shubin. Guud ahaan dhibaatadaan ayaa waxay su’aal saaraysaa muhiimada ay leedahay in la iska dhaafo tahriibka.

Naceynka qaxootiga ayaa aad ugu soo badanaya wadamada Yurub qaasatan Sweden iyo Germany oo ah labada wadan ee ugu qaabilaada badan. Wadanka Germany ayaa la sheegay in sanadkaan uu qaadan doono qaxooti gaaraya 800.000 qof halka Sweden ay ku sii dhowdahay 100.000. Waxaa soo kordhaya weerarada lagu qaadayo xeryaha qaxootiga iyo xitaa in dilal loo geysto magan-galyo doonka.

Daawo Video:

https://www.youtube.com/watch?v=W6o4g3E0fT8

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here