Arlanda: Nin ku soo dhuuntay qeybta xamuulka ee diyaarada Ethiopian Airlines

15

Diyaarada Ethiopian Airlines oo saaka ka soo degtay ayroboorka Arlanda ayaa waxaa laga helay nin ku soo dhuuntay qeybta xamuulka ee diyaarada. Ninkaan oo la sheegay in uu caafimaad qabo ayaa waxaa ugu horeyn arkay shaqaale ka tirsan shirkada amniga ee Securitas.

Ninka ayaa la sheegay in caafimaadkiisa uu caadi yahay, iyadoo durbadiiba loo wacay shaqaalaha caafimaadka iyo booliska. Sida ninkaan uu ku soo galay qeybta xamuulka ee diyaarada ayaan cadeyn iyo cida uu yahay balse waxaa la sheegay in uu diyaarada soo raacay oo saacado badan uu qeybta xamuulka ku jiray. Sida uu ku badbaaday ayaa ah arin la yaab leh, maadaama marka diyaaradu ay hawada gasho ay aad u qaboowdo qeybta xamuulka isla markaana aysan ogsojiin lahayn.

Booliska ayaa sheegay in uusan ninkaan diyaarada ugu soo dhuuman in uu dalxiis u yimaado Sweden balse uu doonayo in uu magan-galyo dalbado. Iyadoo arintiisa lagu wareejin doono laanta socdaalka (Migrationsverket).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here