Xeradii ay ka yimaadeen raggii weerarkii IKEA oo laga kala cararay

46

Xalay ayaa laga kala cararay xeradii qaxootiga ee ay ka yimaadeen raggii Eritreanka ahaa ee dadka midaia ku dilay dukaanka IKEA ee Västerås. Xerada oo ku taala degmada Arboga ayaa xalay boolisk loo wacay ka dib markii xerada agagaarkeeda laga helay bac ay ku jiraan waxyaabaha qarxa. Dhamaan magan-galyo doonkii deganaa xerada ayaa loo raray guryo kale ka dib markii loo cabsaday amaankooda.

Bacda ayaa la sheegay in ay ku jireen waxyaabo qoyan oo qaraha laga sameeyo. Booliska ayaa durbadiiba u wacay shaqaalaha Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo kamuunka Arboga iyadoo dhamaan 83-da qof ee deganaa xerada laga raray goobtaasi. Qaar ka mid ah magan-galyo doonka oo u waramay wargeyska Expressen ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay dib ugu noqdaan xeradaasi maadaama ay la soo daristay cabsi joogto ah.

Khamiistii ayaa xerada horteeda waxaa mudaharaad ka dhigay dad lagu sheegay in ay cunsuriyiin yihiin kuwaasoo aan fasax u haysan in ay mudaharaad dhigaan. Dadkaas ayaa la sheegay in aad u careysnaayeen iyagoo qaarkood ay ugumo ku tuureen xerada.

Booliska ayaa dhawaan ku dhawaaqay in kor loo qaadayo amaanka xeryaha qaxootiga ka dib dhacdadii Västerås.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here