“Iyagoo dacas xiran ayay tababarka soo xaadireen”

10

Wiilka lagu magacaabo Simon Jonsson waxaa uu dhowr bilood ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo ka tirsanaa ciidamada midowga Yurub ee tababarka siinaya ciidamada dowlada Somalia. Isaga oo dhawaan ka soo laabtay safarkiisa ayuu ka waramay xaalada Somalia iyo qibradii uu ka helay tababarka ciidamada Soomaalida. Waxaa uu ku tilmaamay mid u baahan juhdi aad u badan.

“Qaar badan ma aysan haysan dharka ciidanka, qaar kale waxay xirnaayeen dacas oo keliya” ayuu yiri Simon oo waramaya xaalada ciidamada Soomaalida.

Ujeedada tababarka ayaa ahayd in ciidanka Soomaalida loo diyaariyo in ay si wadajir ah u dagaalamaan oo ay bartaan wada-shaqaynta. Simon ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ciidamada ay lahaayeen waayo aragnimo dagaal balse ay u baahanyihiin in ay bartaan wadashaqaynta.

“Markii wax qaldamaan waxay ahaayeen kuwo farta isku fiiqaya oo is-eedeynaya halkii ay xal raadin lahaayeen oo wada shaqayn lahaayeen” ayuu yiri Simon oo ka hadlaya dabeecada ciidanka Soomaalida.

Hawsha Simon ayaa waxaa sii adkeeyay in ciidanka Soomaalida aysan English aqoon oo xitaa qaar badan aysan waxna qorin waxna akhrin. Laakiin waxa uu sheegay in ay la socdeen turjumaano wanaagsan. Intaasi ayaa waxaa sii dheer in qalabka ay u baahanyihiin ciidanka ka socda EU-da ay qaadatay waqti dheer in ay Somalia soo gaaraan.

Si kastaba ha ahaatee, Simon ayaa ku tilmaamay tababarka uu ka bixiyay Somalia mid ay aad ula dheceen ardadiisa isla markaana isaga laftiisa uu ka faa’iday waayo-aragnimo xaga nolosha ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here