Haddii baasaboorka sharciga kuu saaranyahay kuma safri kartid

11

Warbixintaan mar hore ayay soo baxday balse waxaa ila soo xiriiray dad laga celiyay ayroboorka ka dib markii ay isku dayeen in ay u safraan Afrika. Qofka haysta baasaboorka “Främlingspass” ama Geneva ee sharciga “UppehÃ¥llstillstÃ¥nd” uu u saarantahay baasaboorka kama bixi karo Yurub sida ay sheegeen Migrationsverket.

Wixii ka horeey 2011 ayaa sharciga warqad ahaan loo saari jiray baasaboorka, iyadoo taasi lagu badalay kaarka loo yaqaan “UppehÃ¥llstillstÃ¥ndskort”. Warqada baasaboorka saaran ayaa dhacday 20 May 2015. Hadaba haddii aad doonayso in aad safarto oo baasaboorka uu kuu saaranyahay sharciga waa in aad la xiriirtaa Laanta Socdaalka oo waqti ka qabsataa xafiiskooda kuugu dhow.

Haddii aad ku sugantahay dibada waxaad booqanaysaa safaarada Sweden ee kuugu dhow.

Halkaan ayaad ka heli kartaa warbixinta oo Swedisha ah: http://www.migrationsverket.se/Privatpersoner/Uppehallstillstandskort.html

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here