Dood weyn oo ka dhalatay cunsuriyad lagu sameeyay kooxda Somalia Bandy

6

Kooxda Somalia Bandy ee ciyaaraha barafka ku ciyaara magaalada Borlänge ayaa isbuucaan laga cayriyay goobtii ay tababarka ku samayn jireen ka dib markii loo sheegay in darisku ay ka soo dacwoodeen. Gabadha lagu magacaabo Cia Embretssen oo ah tababaraha kooxda ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan arintu ku saabsanayn dariska oo dhibsaday qaylada dhalinyarada balse ay salka ku hayso cunsuriyad iyo ajaanib naceyb. Goobta laga cayriyay Soomaalida ayaa la sheegay in ay dhalinyarada Swedishka isbuuc kasta ku ciyaaraan oo aysan waligood wax dacwad ah la kulmin.

Ka dib markii ay soo baxday in kooxda Somalia Bandy oo caan ka ah guud ahaan Sweden cunsuriyad lagu sameeyay ayaa waxaa cambaareeyay arintaas qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo durbadiiba la siiyay goob kale oo ay ku tababartaan. Xitaa ururka guryaha ee HSB ayaa sheegay in ay kooxda ugu deeqayaan 20.000kr.

Balse taageerada ayaan meesha ka saareyn cunsuriyada qarsoon ee ka buuxda Swedish badan oo dhibsanaya soo galootiga iyo horumarkooda. kooxda Somalia Bandy ayaa magacweyn u soo hoysay magaalada Borlänge, iyagoo lagu soo bandhigay filimka caanbaxay ee “Trevligt Folk”. Haddii kooxdaan la cunsuriyeeyay maxaad u malaynaysaa in lagu samaynayo kuwa kale ee aan caanka ahayn?

Arinta ugu dhibka badan ee soo galootigu ay ku qabaan Sweden ayaa ah cunsuriyada daboolan ee loogu soo gambanayo waxyaabo kale, taasi oo ku saamaynaysa markii aad shaqo raadiso, markii aad guri raadsato iyo meelkasta oo aad kula kulanto Swedishka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here