Soo galooti badan oo shaqo ka helaya Sweden

3

Sida lagu soo bandhigay macluumaad cusub oo uu soo saaray xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) waxaa siyaaday tirada dadka soo galootiga ah ee shaqada ka helaya Sweden. Warbixinta ayaa muujisay in ilaa bishii Janaayo iyo Juun ee sanadkaan ay tirada soo galootiga shaqada helay siyaaday 11,200 qof.

Xafiiska shaqada ayaa kororkaan ku macneeyay in Swedishka da’dooda u dhaxayso 16-64 sano ee shaqayn kara ay tiradooda hoos u dhacday, taasoo ay booskoodii buuxiyeen soo galootiga. Ilaa sanadkii 2008 ayaa waxaa suuqa shaqada ka baxay Swedish gaaraya 22 000 qof.

“Tirada dadka shaqayn kara ee dhaladka ah hoos ayay u dhacday. Sidaa darteed shaqooyinka cusub waxaa qaadanaya soo galootiga” ayuu yiri Johan Bissman oo ka tirsan Arbetsförmedlingen.

Baahida ugu badan ee shirkaduhu u qabaan shaqaalaha ayaa laga heli karaa dhismaha, nadaafada iyo daryeelka guryaha. Shirkadahaas ayaa la sheegay in aysan shaqayn karin haddii aan la heli lahayn shaqaalaha soo galootiga ah. Maadaama aysan Swedish badan doonayn in ay qabtaan shaqooyinkaan.

Baahida loo qabo shaqaalaha soo galootiga ah ma ahan shaqooyinka hoose oo keliya balse waxaa baahi weyn loo qabaa shaqaalaha aqoonta sare ee sida Injineerada, dhaqaale yahanada, iyo quburada kombutarada oo hada qaar badan ay shirkaduhu ka soo qaataan India iyo wadamo kale.

Arbetsförmedlingen ayaa sheegtay in heerka shaqada ee soo galootiga uu hada taaganyahay 64% iyadoo kuwa haysta waxbarashada jaamacadaha ay shaqeeyaan 76%.

Dhinaca Soomaalida haddaan eegno ayay sheekadu sidaas ka duwantahay, iyadoo afti ururin hada socota oo aan samaynay sanadkii sadaxeed ay muujinaysa in 41% oo keliya ay Soomaalida Sweden shaqo haystaan ama ganacsi leeyihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here