Mikael Torstensson oo Somalia ku tilmaamay wadan argagixiso oo ku jeesjeesay dadkii lagu dilay weerarkii ka dhacay Muqdisho

13

Ninka lagu magacaabo Mikael Torstensson oo isku sheega in uu yahay la taliyaha madaxweynaha Somaliland mr Siilaanyo ayaa shalay ka dib markii weerarka lagu qaaday hoteelka Jaziira kaasoo lagu xasuusay dad badan oo masaakiin ah waxa uu boggiisa ku soo qoray hadalo jees jees ah oo naxariis daro ah isagoo wadanka Somalia ku tilmaamay wadan argagixiso.

Ninkaan ayaa fariin uu ku soo qoray boggiisa Facebook waxa uu ku yiri “Qarax kale 10 ayaa ku dhimaday. Goorma ayay aduunku aqoonsan doonaan wadanka nabada iyo dimoqraadiga ah ee Somaliland oo ay naga xoreyn doonaan wadanka argagixisada ah ee Somalia” Hadalkiisa ayaa waxaa ka muuqata cadaawad iyo naxariis daro uu u qabo Somalia iyo Soomaalida. Waxa uusan fahansanayn in xitaa Soomaalida ku nool waqooyiga ay ka xanuunsadeen weerarka lagu qaaday Muqdisho isla markaana aysan sidaan naxariis darada ah uga hadlayn,

Ninkaan ayaa waxa uu wadaa in uu isku diro Soomaalida isla markaana uu ka dhex wato danahiisa dhaqaale balse ma ahan mid jaceyl gooni ah u qaba Somaliland. Waxaa la joogaa xiligii ay dadka walaalaha ah ee reer Somaliland ay candhuuf wajiga uga tufi lahaayeen ninkaan oo ay u cadeyn lahaayeen in aqoonsiga Somaliland marka laga soo tago ay Somalia walaalo yihiin isla markaana aysan ogolaan doonin in dhacdooyinka argagixisada ee lagu xasuuqayo dadka Muslimiinta ah aysan ogolaanayn in loo isticmaalo in lagu raadsado dano dhaqaale ama siyaasadeed.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here