Ururka Fatwada Yurub oo shaaciyay bilashada Ramadaanka

4

Ururka Fatwada iyo Cilmi Baarista ee Yurub kaasoo ay ku midaysan yihiin ururada Muslimiinta ee ka dhisan Midowga Yurub ayaa shalay shaaciyay taariikhda la filayo in ay bilaabato bisha Ramadaanka. Ururka oo warqad dheer soo daabacay ayaa sheegay in bisha Ramadaanka ay bilaaban doonto maalinta khamiista 18 June.

Ururka ayaa warqada ku daabacay in bisha cusub ay dhalan doonto 17 June balse aysan macquul ahayn in isha lagu arko, balse khamiista 18 bisha laga arki doono inta badan wadamada Afrika.

Ururka European Council for Fatwa and Research ayaa xaruntiisa waxay ku taalaa maagaalada Dublin ee wadanka Ireland iyadoo uu madax u yahay Sh. Yusuf al-Qaradawi. Ururka ayaa sanadkasta soo saara go’aamo iyo talooyin ku saabsan Ramadaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here