Forex waa bankiga kaashka laga helo

6

Iyadoo bankiyada Sweden ay inta badan bilaabeen joojinta kaashka isla markaana ay yareeyeen xiriirka u dhexeeya macaamiisha iyo shaqaalaha, ayaa Bankiga Forex waxay raaceen waddo kale taasoo ah in ay fureen 130 xarumood oo ku yaala wadamada Nordiska isla markaana ay yihiin kuwo doonaya in ay bixiyaan oo qabtaan lacagta kaashka ah. Inkastoo dad ay u yaqaanaan Forex goobta lacagaha laga sarifto ayay hadana ilaa 2003 ahaayeen Bank dhamaystiran.

“Waxaan ku kaftanaa in aan nahay bankiga kaashka haya. Waqtigii hore waxay ahayd in dhamaan bankiyada laga heli jiray kaashka balse hada qaar badan ayaa joojiyay isticmaalka kaashka. Qabashada kaashka ayaa ka mid ah adeegyadeena ugu muhiimsan, oo waxaan ognahay in dad badan ay doonayaan in ay adeegyadooda lacagaha ka samaystaan xarumaha bankiga, halkaasoo ay kula kulmaan shaqaalaha. Waxaan diyaar u nahay in aan ka caawino macaamiisheena wixii su’aalo ah ama lacag dhigasho ama qaadasho ah “ ayay tiri Sara Geranpayeh, oo ah agaasimaha xarunta Forex Bank ee xaafada Tensta.

Si la mid ah bankiyada kale, ayaad Forex Bank waxaad ka dalban kartaa kaarka lacagaha, furashada Koontada, daymaha, iyo bixinta biilasha. Marka aad ka mid noqoto macaamiisha Forex Privat ayaad helaysaa adeeg lacag la’aan ah. Oo aan lahayn qarash sanad walba layska qaado. Taasoo ay sii dheertahay in aad adeegaaga ka fushan karto internet ama mobilka.

“Waxaan doonaynaa in aan macaamiisheena siino xoriyad doorasho. Si la mid ah bankiyada kale ayaad adeegyadaada Forex ka fushan kartaa internetka balse haddii aad doonayso in aad la kulanto shaqaalaheena oo hawshaada aad ka fushato xarumaheena soo dhawoow. Xafiisyadeena waxaad kula kulmaysaa shaqaale ku hadla dhowr luuqadood, taasoo ka mid ah in aan macaamiisheena u samayno hawl fududayn.” ayay hadalkeena ku soo afjartay Sara Geranpayeh.

Xarunta Bankiga Forex ee xaafada Tensta oo muddo xirnayd ayaa hada dib loo furay. Wixii faahfaahin dheeri ah ee ku saabsan Forex iyo adeegyada ay bixiyaan waxaad ka heli kartaa bogga: www.forex.se

FG: mowduuc waxaa suurto galiyay Forex Bank. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here