Faa’iidada soo galootiga u leeyihiin Sweden oo lagu soo bandhigay cilmi baaris

13

Cilmi baaris uu sameeyay khabiir ka tirsan jaamacada Mittuniversitet oo lagu magacaabo Jesper Strömbäck ayaa lagu soo bandhigay in soo galootigu ay faa’iido dhaqaale oo muhiim ah u leeyihiin Sweden. Cilmi baarista ayaa lagu muujiyay in dadka ka yimaada wadamada kale ay kor u qaadaan dhaqaalaha wadanka Sweden qaasatan dhinaca dhoofinta.

Sweden ayaa ah wadan ku xiran wax dhoofinta, iyadoo ku dhawaad 46% dhaqaalaha wadanka uu ka yimaado waxyaabaha ay dhoofiyaan shirkadaha Swedishka ah. Soo galootiga ayaa warbixinta lagu sheegay in ay fure u yihiin sidii ay shirkadaha Swedishka ku gaari lahaayeen macaamiisha dibada isla markaana ay u samayn lahaayeen xiriiryo cusub.

Warbxinta ayaa sidoo kale muujiysay in 15% dhamaan shirkadaha ka dhisan Sweden ay leeyihiin dad soo galooti ah, kuwaasoo la sheegay in ay yihiin shirkado kobac wanaagsan marka loo barbar dhigo kuwa ay leeyihiin Swedishka. Soo galootiga ayaa sidaas ku abuura shaqooyin badan. Faa’iidada guud ee soo galootiga ayaa cilmi baaristu sheegtay in ay aad uga badan tahay dhaqaalaha Sweden uga baxa soo dhaweyntooda.

Marka laga tago dhinaca dhaqaalaha, ayaa faa’iidada ugu muhiimsan ee soo galootiga ay u leeyihiin Sweden ay tahay daryeelka dadka waaweyn, iyo qabashada shaqooyinka hoose ee aysan doonayn Swedishka. Sweden iyo inta badan wadamada Yurub ayaa la filayaa in ay la soo daristo caruur yari sanadaha nagu soo aadan maadaama aysan waalidiintu dhalin caruur ku filan, taasi oo keeni doonta dhibaato weyn oo ku saabsan daryeelka dadka waaweyn. Soo galootiga ayaa la filayaa in ay buuxiyaan booskaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here