Xagee maraysaa arintii in Soomaalidu baasaboorka ku qaadato 5 sano?

48

Sida aad la socotaan dhowr jeer oo hore ayaan soo qornay in uu socday mooshin uu diyaariyay xildhibaanka Soomaliga ah ee Mubarik Abdirahman ee ka tirsan degmada Malmö, isagoo mooshinkaas markii noogu dambaysay ay ansixiyeen goloha xisbiga Socialdemokraterna (S) ee gobolka Skåne isla markaana balanqaadku ahaa in la horgayn doono kala-fadhiga weyn ee xisbiga S oo isbuucii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Västerås.

Hadaba maanta ayaan Mubarik la xiriiray si aan wax uga ogaado halka ay xaaladu marayso. Mubarik ayaa sheegay in nasiib daro ay maamulka xisbigu go’aamiyeen in mowduuc loo sameeyo kala-fadhiga oo xiligan ay xooga saarayaan mowduuca la xiriira shaqada. Sidaa darteed ayay go’aan ku gaareen in aysan fiirin mooshinada ku saabsan mowduucyada kale. Arintaas ayaa keentay in dib u dhaco mooshinkaas oo ugu horeyn loo soo bandhigi doono kala-fadhiga labaad ee dhici doona sanaka 2017.

Mubarik ayaan waydiiyay haddii ay jidho waddo kale oo mooshinka lagu socod siin karo, isagoo ii sheegay in uu filayo in loo bandhigo kooxda baarlamaanka ugu jidha xisbiga Socialdemokraterna (S) kuwaasoo baarintaan ku samayn doona arinta. haddii ay taasi dhacdo ayay noqonaysaa waddo kale oo mooshinka lagu hor-gayn karo baarlamaanka balse xitaa haddii baarlamaanka la horgeeyo ayaysan dowlada haysan aqlabiyad ku filan.

Hadaba sida ay ku dambayn doonto arintaan ayaan wada-sugaynaa, inagoo la socon doona haddii wax ay ka soo cusboonadaan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here