Xisbiga Naziyiinta Sweden oo la xiray

1

Xisbigii ay ku midaysnaayeen cunsuriyiinta xagjirka ah ee naziyiinta ah (Svenskarnas parti) ayaa shalay ku dhawaaqay in la xirayo ka dib markii ay ku fashilmeen doorashadii la soo dhaafay. Xisbigaan oo haysta aragtidii Hitler ayaa sanadkii hore olole weyn u galay in ay kuraas ka helaan baarlamaanka Sweden iyo 34 degmo oo ka tirsan wadanka. Qorshahaas ayaa noqday mid fashil ku dhamaaday iyaga oo aan wax kuraas ah ka helin baarlamaanka iyo degmooyinka.

Xisbigaan ayaa lagu tilmaamay mid qatar weyn ku ah demoqraadiyada Sweden, iyagoo sanadkii la soo dhaafay mudaharaadyo ku qabtay magaalooyin kala duwan isla markaana dagaalo la galay dadka ka soo horjeeda iyo booliska. Aragtidooda ayaa ah mid xagjir ah oo ku dhisan in Sweden ay xaq u leeyihiin dadka Swedishka cadaanka ah oo keliya. Farqiga u dhexeeya xisbigaan iyo xisbiga kale ee cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ayaa ah in kuwaan ay cadeysteen jaceylka ay u qabaan Hitler iyo in ay diyaar u yihiin in ay dagaal ku gaaraan ajandahooda.

Xiritaanka xisbigaan ayaa ah guul u soo hoyatay soo galootia iyo guud ahaan dadka ka soo horjeeda cunsuriyiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here