Reer baadiyaha iyo reer magaalka yaa ku firfircoon qurbaha?

5

Su’aashaas waxay igu dhalatay ka dib markii aan dhagaystay wareysi laga qaaday siyaasiga Soomaaliyeed ee Mursal Ciise ee ku nool Borlänge isla markaana ka tirsan golaha fulinta ee xisbiga Miljöpartiet. Mursal ayaa wareysi dheer oo uu bixiyay kaga waramay noloshisiii hore, isagoo cadeeyay in uu ahaa reer baadiye xoolo dhaqato ah qeyb ka mid ah noloshiisa, isla markaana taasi ay siisay karti iyo waayo aragnimo muhiim ah.

Mursal ayaa Sweden soo galay sanadkii 2003, isagoo muddo gaaban ku gaaray heer siyaasadood oo aad u sareeya. Waxaa uu noqday gudoomiyaha gobolka Dalarna, iyo xubin ka mid ah gudiga fulinta ee ugu sareeya xisbiga Miljöpartiet (MP).

Marka la eego Mursal iyo dadka kale ee ku firfircoon qurbaha ayaa la dhihi karaa dadka reer baadiyaha ah waa kuwo aad u firfircoon. Aniga xitaa waxaan ka mid ahay dadkii ku soo barbaaray baadiyaha, taasoo aan dhihi karo waxay tahay noloshayda qaybtii ugu muhiimsanayd.

Hadaba su’aashu waxay tahay reer baadiyuhu maka firfircoon yihiin reer magaalka? qaasatan marka la yimaado qurbaha? waa dood furan, ku darso fikradaada…

Halkaan ka dhagayso waresiga Mursal Isse oo Swedish ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here