Duqa magaalada Växjö oo dalbaday in la mamnuuco insha-shareerka

2

Duqa magaalada Växjö Bo Frank oo ka tirsan xisbiga Moderaterna (M) ayaa sheegay in uu doonayo in la mamnuuco indha-shareerka ay xirtaan qaar ka mid ah dumarka Muslimiinta. Ninkaan ayaa sheegay in uu aad uga carooday markii uu magaaladiisa ku arkay labo nin oo la socda haweenay indha-shareer xiran isagoo ku tilmaamay nuuc ka mid ah gumaysiga.

“Waa in laga mamnuucaa Sweden, Yurub iyo caalamka” ayuu boggiisa ku qoray Bo Frank. Waxa uu intaas ku daray in isbuucaan ay magaaladiisa ka dhacday isku tagga qaniisiinta ee loo yaqaan Pride, isagoo sheegay in aysan is waafaqayn in dumarka lagu gumaysto halkaasi. Markii ay saxaafada waraysi la yeelatay ayuu xoogaa ka laabtay arinta mamnuuca balse waxa uu ku tilmaamay indha-shareerka mid uu aad u dhibtsaday.

Hadalada cunsuriyada ku dhisan ee ninkaan iyo guud ahaan siyaasada xisbiga Moderaterna (M) oo beryahaan u badatay dhinaca midigta ayaa ah mid ay dad badan dhibsadeen, iyadoo laga cabsi qabo in xisbigaas uu ku dhaqaaqo wadada xisbiga cunsuriga ah ee SD. Iyagoo hada ay bilaabeen siyaasiyiintooda in ay soo bandhigaan fikrado iyo siyaasado la mid ah kuwa SD.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here