Xagee marayaa mooshinka ku saabsan in Soomaalida lagu siiyo baasaboorka 5 sano?

22

Sidii aan soo qornay bishii hore, markii aan wareysi la yeelanahay Xildhibaan Mubarak Abdirahman oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Malmö, waxaa uu diyaariyay mooshin ku saabsan in baasaborka Soomaalida lagu siiyo 5 sano. Iyadoo xiligaas ay mooshinka ansixiyeen xisbiga Socialdemokraterna (S) ee Malmo.

Dadka soogalootiga ah ee ku dhaqan dalkan Iswiidhan badankood, waxa ay dhalashada iswiidhan ku qaatan muddo shan sano ah. Balse dadka soomaalida ah, ayaan loo ogolayn in ay muddo intaa la’eg ku qaataan. Waxaana sabab looga dhigaa, iyaga oo aanan haysan aqoonsiyo ay dowladda Iswiidhan aqoonsan tahay, isla markaana aayan jirin si kale oo ay isku cadeyn karaan. Waxa uu qofka soomaaliga ah dalban karaa dhalashada marka uu joogo dalka muddo siddeed sano ah. Tani waxa ay ka dhigan tahay soocid iyo takoor u gaar ah soomaalida.

Waxaana dhibkan la wadaaga oo keliya dadka ka yimid dalka Afgaanistaan. Waxaa arrintan ka dhiidhiyay Xildhibaan Mubarik Abdirahman, Peter Johanssan iyo Abdulkhadir Mohamed Future oo xubno ka ah xisbiga shaqaalaha ”socialdemkraterna” oo ah xisbiga ugu weyn dalka Iswiidhan, isla markaana hadda ahaya hogaanka dalka. Waxay Mubarik iyo Abdulkhadir diyaariyeen mooshin ay ku dalbanayaan in arrintaas wax laga beddelo oo soomaalida laga daayo takoorka, isla markaana lagu siyo dhalashada muddo shan sano ah.

Mooshinka waxa ay markii ugu horaysay hordhigeen shirweyna xisbiga shaqaalaha ee degmada Malmö. Dabadeedna waxaa mooshinka la horgeeyay shirweynaha xisbiga shaqaalaha ee heer gobolka Skåne. Halkaas oo haddana lagu ansixiyay. Waxaana la filayaa in loo gudbiyo shirweyna xisbiga ee heerka qaran oo dhici doona dabayaaqada bisha shanaad ee May.

Haddii shirka heer qaran lagu ansixiyo mooshinka waxaa la filayaa in golaha sare iyo siyaasiyiinta golaha shacabka ugu jirta xisbiga in ay ka shaqeeyaan meel marinta mooshinka, iyaga oo kaashanaya dowladda hadda jirta. Tani waxa ay ka dhigan hirgalinta go’aanka shirweynaha xisbiga oo ah in soomaalida lagu siyo dhalashada muddo shan sano ah, halka maanta lagu siyo muddo 8 sano ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here