“Sweden waxaa badbaadinaya soo galootiga”

2

Sidaa waxaa yiri wasiirka qorsheynta mustaqbalka Kristina Persson oo ka hadlaysay dhibaatooyinka shaqada ee ku soo fool leh Sweden. Wasiirka oo booqasho ku tagtay magaalada Karlskrona ayaa u sheegtay dadkii dhagaysanayahay in soo galootigu ay yihiin kuwa badbaadinaya mustaqbalka Sweden, maadaama dad badan ay waayeel noqonayaan oo ay shaqada ka fariisanayaan isla markaana ay u baahanyihiin daryeel.

Aragtida wasiirka ayaa muujinaysa qorshaha Sweden ee ku aadan soo galootiga iyo rajada ay ka qabaan dadka maanta qaxootiga loo qaabilayo in ay 10 ama 20 sano ka dib ay noqdaan kuwa iyagu wadanka waxtaraya. Wasiirka ayaa sheegtay in 20 sano gudahood ay shaqooyin badan suuqa ka bixi doonaan oo ay la wareegi doonaan kombutarada isla markaana ay dad badan hawl gab noqon doonaan. Maadaama Swedishku aysan dhalin caruur ku filan in ay badalaan waalidkood ayaa taasi muhiimad wayn siinaysaa soo galootiga.

Wasiirka ayaa sheegtay si Sweden ay uga faa’idaysato soo galootiga loo baahanyahay in ay suuqa shaqada degdeg ku galaan iyo in shahaadooyinkooda la qiimeeyo si ay faa’iido ugu noqoto mustaqbalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here