Sharciga cusub ee baasaboorka Sweden oo dhaqan galay

23

Isbuucii hore waxaa dhaqan galay sharci cusub oo ku saabsan qaadashada dhalashada Sweden. Sharcigaan oo baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sanadkii hore ayaa wax ka badalay sharcigii hore ee lagu qaadan jiray baasaboorka Sweden. Arinta ugu muhiimsan ee sharciga cusub uu wax ka badalayo ayaa ah qaabta ay caruurta ku helaan baasaboorka, iyadoo dhamaan caruurta ku dhalata wadanka la siinayo baasaboorka xitaa haddii hooyada ama aabaha midkood uusan Swedish ahayn.

Arinta kale ee sharciga uu farayo ayaa ah in dhamaan kamuunada Sweden ay waajib ku tahay in ay xaflad u qabtaan dadka qaatay baasaboorka. Xafladaas ayaa ah mid lagu soo dhaweynayo muwaadiniinta cusub isla markaana lagu gudoonsiinayo shahaado. Waxaa kale oo sharciga uu waqtiga sugitaanka u soo gaabinayaa caruurta 18-sano ka yar ee Sweden ku leh deganaanshaha rasmiga ah.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale xaq u siinaya in qofkii horay baasaboorka Sweeden iska tuuray in uu dib u soo ceshado. Ka hor sanadkii 2001 ayaysan Sweden ogolayn in dadku ay labo baasaboor yeeshaan. Qofkii waqtigaas lagu qasbay in uu iska tuuro dhalashada Sweden si uu u qaato baasaboor wadan kale, ayaa hada fursad loo siinayaa in uu soo ceshado baasaboorkii Sweden.

Si kastaba ha ahaatee, arinta ku saabsan waqtiga ay Soomaalidu ku qaadanayaan baasaboorka ayaan waxba laga badalin, iyadoo wali ay hortaagan tahay arinta cadaynta aqoonsiga.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here