Aftonbladet: Caruurta Soomaalida ilkaha ayay ka jiranyihiin

3

Mowduuc lagu qoray wargeyska Aftonbladet ayaa shalay lagu soo bandhigay in caruurta Soomaaliyeed ee ku nool Sweden ay dhibaato weyn ka haysato caafimaadka ilkaha, iyadoo qaarbadan ay ilkaha ka dhacaan iyo kuwa kalena ay ka jiranyihiin ilkaha. Baaritaanka oo laga sameeyay gobolka Kronoberg kaasoo ay ka qaybqaateen 310 caruur Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in caruurta Soomaalida marka loo barbar dhigo caruurta kale ay dhibaato weyn ka qabaan ilkaha.

Inger Svensson oo ah dantiiste baaritaanka ka qeyb qaatay ayaa xaalada caruurta Soomaalida ku tilmaamay mid aad u liidato, isagoo sheegay in dhamaantood ay u baahanyihiin in ilkaha laga saaro ama dayactir lagu sameeyo. Inger Svensson ayaa sababta ka dambaysa caafimaad darada caruurta Soomaalida ku sheegay dhaqanka Soomaalida oo sonkorta aad u isticmaala.

“Caruurtaan waxay cuneen sonkor aad u badan, nacnaca qaali kama ahan Somalia” ayuu yiri Inger Svensson. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in caruurta yaryar ay cadaydaan balse waalidkooda aysan ku caawin arintaas. Inta badan caruurta ayaa la sheegay in aysan waligood booqan dhaqtarka ilkaha.

Si kastaba ha ahaatee, mashruucaan ayaa lagu tilmaamay mid guul ku dhamaaday, iyadoo caruurta Soomaalida ilkaha loo sifeeyay. Isla barnaamijkaan ayaa hada ka dib loo isticmaali doonaa caruurta cusub ee magangalyada ka dalbata Sweden ee ku sugan xeryaha qaxootiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here