Sweden waa wadanka ugu diimaha neceb aduunka

3

Baaritaan lagu sameeyay dadka iyo diimaha aduunka ayaa waxaa lagu soo bandhigay in wadanka Sweden uu yahay kan dadkiisa ay ugu diinta yaryihiin. 8 ka mid 10 kii qof ee Sweden ku nool ayaa sheegtay in aysan wax diin ah haysan ama ay yihiin kuwo aaminsan in uusan Allah jirin.

Baaritaanka oo laga sameeyay dhamaan wadamada caalamka oo ay samaysay shirkada Gallup ayaa lagu soo bandhigay in Sweden uu yahay wadanka ugu diinta yar. Wadanka Thailand ayaa noqday kan dadkiisa ay diinta aad ugu dheganyihiin. Sidoo kale waxaa kaalintaas Thailand la qaybsaday Morocco, Bangladesh iyo Georgia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa warbixinta lagu sheegay in dadka xaadiraya masaajida ku yaala Sweden in ay kor u keceen, taasoo ay sabab u tahay Muslimiinta ku soo badanaysa wadanka. Waxaa kale oo la sheegay in inkastoo aysan dadka Sweden aaminsanayn wax diin ah, hadana ay haystaan caadooyinka Kiristaanka sida Lucia, Christmaska iyo kuwa kale.

Swedishka ayaa aaminsan in diintu ay tahay arin qaas ah, oo aan jeclayn in ay dadka kala hadlaan arimaha diimaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here