Baasaboorka Sweden oo noqday kan aduunka ugu qiimaha badan

13

Qofka haysta baasaboorka Sweden ayaa ka mid ah dadka ugu xoriyada badan aduunka, iyadoo haddii aad haysato dhalashada Sweden aad 174 wadan ku gali karto visa la’aan sida lagu soo bandhigay baariitaan cusub. Sweden ayaa waxaa kaalinta kowaad la wadaaga wadamada USA, UK, Finland iyo Germany.

Baaritaankaanka oo lagu magacaabo Visa Restrictions Index ayaa lagu eegaa shuruudaha Visada ee wadamada aduunku ay isku xiraan, iyadoo safka hore ee ay kaga jiraan wadamada reer galbeedka oo aan muwaadiniintooda wax shuruudaha lagu xirin marka ay u safraan wadamada kale.

Kaalinta ugu hooseysa ayaa kaga jira wadamada Afghanistaan oo 28 wadan keliya visa la’aan ku gali kara, Iraq oo 31 ah, iyo Pakistaan iyo Somalia oo 32 wadan ku gali kara visa la’aan. Taasi ayaa muujinaysa qiimaha uu baasaboorka Sweden u leeyahay soo galootiga ka soo haajiray wadamada kor ku xusan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here