Reer Soomaali ah oo cunsuriyad darteed uga guuray tuulada Tomelilla [Video]

18

Reer Soomaali ah ayaa cunsuriyad darteed uga guuray tuulada Tomelilla ee ka tirsan gobolka Skåne ka dib markii ay la kulmeen cunsuriyad aan la xamili karin iyo cabsi joogto ah. Gabadha Soomaalida oo magaceeda qarisay ayaa telefishinka SVT uga warantay dhibaatada ka qabsantay Tomelilla iyadoo markii ay dibada u baxdo ay si joogto ah ula kulantay aflagaado cunsuriyad ah iyo xitaa in moos lagu tuuray.

Qoyskaan ayaa hada cabsi darteed uga guuray Tomelilla iyagoo hada la nool asxaabtooda oo ku nool degmo kale. Dhibaatada ku dhacday qoyskaan ayaa laga dareemi karaa wareysiga ay siisay gabadha SVT iyadoo si joogto ah u ilmaynaysa isla markaana qarisay magaceeda iyo wajigeeda. Tomelilla ayaa ah goob ay cunsuriyiintu ku badanyihiin, iyadoo doorashadii la soo dhaafay ay xisbiga cunsuriga ah ee SD ay codod badan ka heleen degmadaas.

Ma ahan  markii ugu horeysay ee Tomelilla lagu cunsuriyeeyo Soomaalida, iyadoo bishii August ee sanadkii hore lagu weeraray 3 wiil oo Soomaali ah. Sidoo kale Tomelilla ayaa sanadkii 2010 waxay aad uga dhex muuqatay saxaafada Sweden ka dib markii si joogto ah cunsuriyad lagu sameeyay hooyo Soomaali ah oo tuuladaas maalinkasta lagu dhagaxyeeyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here