Home Wararka Caalamka Dowlada Sweden oo diiday Dalab uga yimid Xisbiga Vänsterpartiet

Dowlada Sweden oo diiday Dalab uga yimid Xisbiga Vänsterpartiet

0
Foto: Jonas Ekstromer / TT

Dowladda Sweden ayaa ku gacan seyrtay dalabkii xisbiga Vänsterpartiet ee ahaa in la qabto aftida Sweden ee xubinimada NATO.

“Tani waa arrin aan ku habboonayn afti,” ayay tiri ra’iisul wasaare Magdalena Andersson.

Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna, Ulf Kristerschon, ayaa sidoo kale diiday dalabka xisbiga Vänsterpartiet ee ku aadan in Sweden loo qaado afti la xiriirta ka mid ahaanshiyaha NATO , balse wuxuu aaminsan yahay in go’aanka NATO uu u baahan yahay taageero dimoqraadi ah oo baarlamaanka Sweden ah.

Ilaa hadda, garabka bidix ayaa ah xisbiga kaliya ee baarlamaanka ka tirsan, kaasoo dalbanaya afti dadweyne.
“Waa arin aad u weyn in codbixiyayaashu ay xaliyaan,” hogaamiyaha xisbiga Noshi Dadgostar ayaa tidhi sidaasi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here