Dowlada Somalia oo Sacuudiga uga hiilisay Sweden

52

Dowlada Federaalka Somalia ayaa shalay soo saartay warqad ay ku cambaareynayso wasiirka arimaha dibada Sweden Margot Wallström, iyagoo la saftay dowlada Sacuudiga oo maalmahaan waday olole ka dhan ah Sweden. Dowlada Somalia ayaa warqada ay soo saareen waxay ku sheegeen in Sweden ay jabisay qaanuunka diblomaasiyada iyo sharciyada caalamiga ah.

Dowlada Somalia ayaa hadalkooda ku daray in diinta Islaamku ay bani’aadamka u keentay xoriyad iyo sharaf isla markaana in dastuurka Sacuudiga lagu tilmaamo mid qadiimi ah uu yahay weerar ka dhan ah dhamaan Muslimiinta caalamka. Hadalkaas dambe ayaa u muuqda midka ay ka duulayso dowlada Somalia oo u qaadatay hadalkii wasiirka arimaha dibada Sweden mid ka dhan ah Islaamka.

Wasiirka arimaha dibada Sweden iyo raysal wasaaraha ayaa labadaba cadeeyay in Sweden aysan dhaliilin Islaamka iyo Muslimiinta balse ay dhaliileen xaalada xaquuqda bani’aadamka ee dowlada Sacuudiga, qaasatan sida ay ula dhaqmaan dumarka.

Dowlada Sacuudiga ayaa u muuqata mid isticmaalaysa saamaynteeda dhaqaale iyo diimeed, si ay isaga hor keento wadamada Muslimiinta iyo Sweden. Balse waxaa qalad ah in wadamada sida Somalia ay si indho la’aan ah u hogaan samaan dalabaadka Sacuudiga isla markaana ay xumeeyaan xiriirka kala dhexeeya Sweden.

Haddii laga hadlayo cida taageerada ka mudan Somalia, waxaan leeyahay waa Sweden maadaama aan ognahay sida Sacuudiga uu ula dhaqmay shacabka Soomaaliyeed ee u soo haajiray wadankooda xiligii dagaalada sokeeyo, kuwaaasoo tarxiil joogto ah iyo xabsi lagu haayo, halka Sweden ay Soomaalida siisay magangalyo iyo dhalasho intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.