200 qof oo isku wareejisay masaajid ku yaala Norway

3

Iyadoo ay maalmahaan socotay olole laysku wareejinayo kaniisadaha Yuhuuda oo ay sameynayaan dad Muslimiin ah, ayaa hada waxaa bilaabatay in Masaajida laysku wareejiyo. Masaajidka Central Jamaat Ahle Sunnat oo ku yaala magaalada Oslo ayaa shalay sabtidii waxaa isku wareejiyay 200 qof oo la sheegay in ay taageero u muujinayaan difaaca Masaajida Muslimiinta, taasoo la mid ah midii laga sameeyay kaniisada Yuhuuda ee ku taala magaalada Oslo.

Marianne Arvanitidis oo ka mid ahayd dadkii soo qabanqaabiyay ololaha ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in taageero loo muujiyo dhamaan diimaha kala duwan. Dadka ayaa isugu soo baxay masaajidka hortiisa iyadoo uu roob da’ayo oo qaboow jiro. Dadka soo qabanqaabiyay dhacdadaan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay Muslimiinta u muujiyaan in ay ka midyihiin shacabka Norway isla markaana aysan masuul ka ahayn dhacdooyinka kooxaha hubaysan ay ka samaynayaan wadamada kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here