Ma ogtahay in aad Facebook ku faafinayso sawiro foolxun iyo virus?

2

Qaar badan oo ka mid ah asxaabtayda Soomaalida ah ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waxay Facebook soo dhigayeen sawiro foolxun iyo virus iyaga oo aan ogeyn. Arintaan ayaa u muuqata mid aad ugu faafaysa Soomaalida taasoo ay sababi karto dhowr arimood, oo ay ugu horeyso kombutarada oo aan nadiif ahayn iyo dadka oo iska aqbalaya in asxaabtooda ay Tag ku sameeyaan, taasoo sii faafinaysa in sawirada ay arkaan dadka kale.

Hadaba sidee ayaad uga digtoonaan kartaa in aadan sawiro qaawan ku faafin Facebook iyo virus? Haddii kombutarkaaga uu hada virus ku jiro oo aad hada faafinayso sawiro foolxun waxaa muhiim ah in aad nadiifiso kombutarkaaga oo aad iska badasho baasweerka Facebook. Haddii uusan wali ku saamayn virus waxaa muhiim ah in aadan riixin sawirada qaawan ee ay asxaabtaada soo galinayaan Facebook iyo in aadan download ku samayn file aadan hubin.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad iska xirto qeybta tagga oo aadan u ogolaan dadka kale in ay tagging kugu sameeyaan, sidaa darteed haddii qof ka mid ah asxaabtaada uu kombutarkiisa virus galo oo sawiro qaawan Facebook uu galiyo ma arkayaan dadka kale. Si aad isaga xirto Tagging, waxaad booqataa Privacy Settings, ka dibna riix Timeline and Tagging ka dibna waxaad ka dhignaa dhamaantood Only Me.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here