Sidee Adam Ali xirfad uga samaystay Sweden?

8

Ninka lagu magacaabo Adam Ali waxa uu Sweden soo galay 14 sano ka hor isagoo ilaa mudadaas juhdi dheer u galay in uu abuurto xirfad uu ku shaqaysan karo. Adam oo wareysi siiyay wargeyska Nytti ee ka soo magaalada Borlänge ayaa uga waramay dadaalkii uu u maray in uu abuurto xirfada Riniilenimada, isagoo hada helay shaqadii uu ku haminayay muddo dheer.

Adam ayaa wargeyska u sheegay in mudadii uu diyaarinayay waxbarashada rinjiilaha ay caruurtiisa dhameeyeen dugsiga sare isla markaana ay xaaskiisa aad ugu dadaalayso in ay barato luuuqada Swedishka, taasoo uu ku tilmaamay furahah wadanka. Adam Ali oo markii uu Soomaalia joogay ahaa Rinjiile ayaa markii uu Sweden soo galay bilaabay in uu raadiyo wadadii uu ku noqon lahaa Rinjiile.

Sanadkii 2009, ayuu bilaabay shaqo ku meel gaar ah uu ka helay shirkada Miljönären, shaqadaas ahaa ahayd mid aan jirin xiliga barafka balse hada ayuu u bilaabay shaqo dhamaystiran oo uu ka helay isla shirkadaas. Adam Ali ayaa sheegay in uu gaaray riyadiisa ahayd in uu abuurto xirfad uu ku shaqaysto isla markaana uu dhexgalo bulshada Sweden. Waxa uu wargeyska u sheegay in soo galootiga ay u baahanyihiin samir, maadaama ay dadka qaar ku qaadan karto ilaa 10 sano inta ay shaqo ka helayaan.

“Waxaan leeyahay asxaab badan oo Soomaali ah, kuwaasoo inta badan ay doonayaan in ay shaqaystaan. Laakiin inta badan waxay ku qaadanaysaa 10 sano in ay dhameeyaan waxbarashada, qaar ka mid ah asxaabtayda mardhow ayay waxbarashada dhamaynayaan. Waxayna diyaar u yihiin in ay shaqaystaan ” ayuu yiri Adam Ali.

Hadalka Adam ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo Soomaali badan ay doonayaan in ay horay shaqo ka helaan markii ay Sweden yimaadaan, iyadoo markii la waydiiyo xirfadooda ay ku jawaabaya in ay waxkasta qaban karaan balse xaqiiqada wadankaan ayaa ah in qofku uu samaysto xirfad aqooneed (Yrkesutbildning) ama uu dhameeyo heer jaamacadeed si uu u helo shaqo mustaqbal leh.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here