13 sano jir Soomaali ah oo Sweden laga musaafurinayo ka dib markii uu nin Soomaali ah been ka sheegay

15

Gabadha lagu magacaabo Sumayo oo 13 sano jir ah ayaa Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay go’aan ku gaadhay in wadanka laga musaafuriyo ka dib markii uu been ka sheegay nin Soomaali ah oo baaritaan ku sameeya luuqada. Ninkaan ayaan sanadkii hore soo qornay in uu wareysi ka qaaday 5000 qof isagoo dad badan oo Soomaali ah been ka sheegay.

Sumayo oo sheegtay in ay ka timid magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa ninka Soomaaliga ah ee u shaqeeya shirkada Sprakab oo la qariyay magaciisa (EA20) waxa uu sheegay in aysan halkaasi ka imaan balse ay ka soo jeedo Somaliland. Telefishinka SVT qaybta baaritaanada ee Uppdrag Granskning oo markale baaritaan ku samaysay arinta ninkaan ayay cadeeyeen in uu beenaale yahay oo uu dadka Soomaalida ah been ka sheego.

Ninkaan ayaa sanadkii hore arintiisa waxaa fashilay SVT ka dib markii uu been ka sheegay wiil lagu magacaabo Mohamed oo ka soo jeeda Afgoye, isagoo sheegay in wiilkaas uu ka yimid Somaliland. Telefishinka ayaa xitaa soo bandhigay in ninkaan uu been ka sheegay waxbarashadiisa oo uusan waxba ka dhigan Jaamacada Stockholm sida uu ku qortay CV-ga. Migrationsverket ayaa go’aan ku gaadhay in ay dib u fiiriso kiiska Mohamed isagoo hada sharciga la siiyay balse waxay wali wadaan wadashaqayntii ay la lahaayeen shirkada Sprakab ee uu u shaqeeyo ninka beenaalaha ah. Shirkadaan oo xitaa la shaqayn jidhay Laanta Socdaalka UK ayaa sanadkii hore ay dowlada Ingiriiska joojisay wadashaqayntii maadaama ay soo baxday in ninka Soomaaliga ah ee u shaqeeya uu beenaale yahay.

Arinta Sumayo ayaa markale telefishinka SVT ay u bandhigeen Pro. Abdalla Omar Mansuur oo ah qabiir ku taqasusay luuqada Soomaaliga oo wax ka dhiga jaamada Rome ee Talyaaniga. Pro. Abdalla Omar Mansuur ayaa aad ula yaabay sheekada ninkaan isagoo ku tilmaamay go’aankiisa mid lagu qoslo.

Baaritaan aan samaynay ayaan ogaanahay cida dhabta ah ee uu yahay ninkaan iyo magaciisa balse waxaan go’aansanay in aanan soo qorin.

Halkaan ka daawo Uppdrag Granskning.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here