Video: Gabar Soomaali ah oo gubatay ka dib markii ay hilmaamtay dabka

2

Gabadha lagu magacaabo Mouna Abdelrahmen waxay ku gubatay qalabka wax lagu karsado ka dib markii ay saliid holcaysa ay ku shubtay biyo. Ka dib markii ay dhowr jeer dheceen shilal dab ah oo dhaliyay qasaare ayaa maamulka isdhexgalka ee magaalada Skellefteå ay bilaabeen in ay bixiyaan koorsooyin lagu barayo dadka qaxootiga ah sida loo sugo amaanka dabka iyo isticmaalka qalabka wax lagu karsado.

Mouna ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo aad u waaweyn iyadoo muddo ku jiday hospitaalka Umeå iyo Uppsala. Shilalka ugu badan ee guryaha ay ku gabtaan ayaa waxaa sababa dadka oo iska hilmaama dabka ay shidaan, arinta ku dhacday Muna ayaa ah mid ku dhacda dad badan.

Sida ku cad macluumaadka Hay’ada ilaalinta bulshada (myndigheten för samhällsskydd och beredskap) waxaa sanadkasta Sweden ka dhaca 5700 shilal dab ah, kuwaasoo ay ku gubtaan guryo ama dadku ay isku dhaawacaan.

 

Hadaba si aysan kuugu dhicin arinta ku dhacday Muna, daawo muuqaalka hoose oo aad ka helayso macluumaad ku saabsan amaanka dabka. Ama booqo bogga MSB oo Af-Soomaali ku qoran.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here