Soomaalida oo loo qabanayo kulamo ku saabsan sida ay u dalban karaan lacagta horumarinta Somalia

8

Hay’ada Forum Syd oo Sweden u qaabilsan mashruuca ka qayb galinta qurba joogta horumarinta Somalia ayaa isbuucaan waxay qaban doontaa kulamo warbixineed oo Soomaalida loogu sharaxayo sida ay uga qayb qaadan karaan horumarka dalka iyo sida ay u dalban karaan lacagaha ay bixiso SIDA ee ay masuulka ka yihiin Forum Syd.

Mashruucaan oo lagu magacaabo (Somalia Diaspora Programme) ayaa dowlada Sweden ugu talagashay 45 milyan oo karoon oo sadexda sano ee soo socota la siin doono jaaliyadaha Soomaalida ee ka dhisan Sweden ee doonaya in ay mashruucyo ka fuliyaan Somalia. Shuruuda ugu muhiimsan ayaa ah in Jaaliyadaha Soomaalida ay wadashaqayn la leeyihiin Hay’adaha ka dhisan Somalia.

Kulamada ayaa ka dhici doona magaalooyinka hoos ku xusan.

  • 27/2 Göteborg kl. 13:00 – 17:00. Folkets Hus
  • 28/2 Malmö 9:00 – 12:00. Scandic St: Jörgen
  • 1/3 Stockholm kl. 14:00 – 17:00. Kista Träff
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here