Qiimaha dollarka oo cirka isku shareeray iyo saamaynta uu ku yeelanayo Soomaalida

6

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad kor ugu kacay qiimaha lagu iibsado dollarka maraykanka, iyadoo arintaas ay uga sii dartay ka dib markii isbuucaan uu bankiga dhexe ee Sweden (Riksbanken) hoos u dhigay qiimaha ribada (ränta) taasoo saamayn ku yeelanaysa sicirka karoonaha.

Qiimaha doollarka ee qaaliyoobay ayaa saamayn toos ah ku yeelanaya dadka Soomaalida ee lacagaha u dira familooda ku nool Somalia, iyadoo hada 100$ ay xawaaladaha ku dirayaan 942kr. Sanadkii hore xiligaan ayaa qiimaha dollarka uu marayay 680kr keliya. Qiimaha karoonka ee hoos u dhacay ayaa sidoo kale saamayn ku yeelanaya dadka ku nool Sweden ee la ganacsada wadamada kale iyo dadka safarada u baxaya sida dalxiisayaasha.

Qiimaha dollarka ee kacay ayaa Soomaalida waxaa u sii dheer in qaar ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee ka hawl gala Sweden laga xiray akoonadii ay ku shaqaysan jireen isla markaana guud ahaan xawaaladaha Soomaalida ee caalamka uu saaranyahay cadaadis kulul, qaasatan kuwa Maraykanka oo akoonadii iyaga guud ahaan laga xiray.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here