Madaxweynaha Falastiin oo maanta booqasho ku imaanaya Sweden

4

Madaxweynaha dowlada Falastiin Mahmoud Abbas ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaanaya wadanka Sweden ka dib markii uu casuumad ka helay raysal wasaaraha Sweden. Abbas ayaa Sweden imaanaya ka dib markii Sweden ay noqotay wadankii ugu horeeyay ee galbeedka Yurub ee aqoonsada dowladnimada Falastiin.

Inta uu ku jooga booqasho Sweden ayuu kulamo la qaadan doonaa raysal wasaaraha, wasiirka arimaha dibada iyo boqortooyada. Wasiirka arimaha dibada Sweden Margot Wallström ayaa sheegtay in Abbas ay saari doonaan cadaadis ku saabsan in uu waxqabad sameeyo isla markaana uu xooga saaro dadaalada nabada ee u dhexeeya Falastiin iyo Israel. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa sida Sweden ay u caawin karto Falastiin.

Ka dib markii ay Sweden aqoonsatay dowlada Falastiin ayay cambareyn iyo carro kala kulantay dowlada Israel, balse waxaa aad u soo dhaweeyay talaabada Sweden wadamo badan oo xitaa ay baarlamaanada UK, Spain iy France ay u codeeyeen in la aqoonsado Falastiin inkastoo wali aysan dowladooda sidaasi samayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here