Isku wareejinta kaniisadaha Yuhuuda oo soo gaadhay Sweden

15

Sidii aan soo qornay bilowgii isbuucaan waxaa magaalada Oslo ee dalka Norway ka dhacday arin cusub oo ay sameeyeen Muslimiinta ku nool wadankaasi kuwaasoo isku wareejiyay kaniisada Yuhuuda si ay uga difaacaan weerarada. Arintaas ayaa u muuqata mid ku faafaysa wadamada dariska, iyadoo hada ay soo gaadhay Stockholm.

Labo jaaliyadood oo mid lagu magacaabo “Muslimiinta ka soo horjeeda Yuhuud Naceybka” iyo “Dhalinyarada Roomada” ayaa maanta qabanqaabinaya mudaharaad la mid ah midkii ka dhacay Oslo, iyagoo doonaya in ay isku wareejiyaan kaniisada Yuhuuda ee ku taala Stockholm. Ilaa hada 800 qof ayaa la filayaa in ay soo xaadiraan.

Arintaan cusub ee laysku wareejinayo kaniisadaha Yuhuuda ayaa si kala duwan loo fasirtay, iyadoo dadka qaar ay amaaneen oo lagu tilmaamay mid kordhinaysa isku soo dhawaashaha Yuhuuda iyo Muslimiinta. Halka qaar kale ay ku tilmaameen arin istustus ah oo aan wax micno leh ku fadhin.

Sidee u aragtaa adigu?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here