Gabar 15 sano jir Soomaali ah oo Sweden laga musaafurinayo

47

Gabadha lagu magacaabo Sacdiya oo 15 sano jir ah ayaa Laanta Socdaalka (Migrationsverket) qorshaynaysaa in ay wadanka ka musaafuriso dhawaan ka dib markii la diiday magangalyadii ay ka dalbatay Sweden. Laanta Socdaalka ayaa aaminsan in Sacdiya aysan jirin 15 sano balse ay ka weyntahay 18 sano.

Sacdiyo oo sanadkii hore bishii Janaayo iska dhiibtay Sweden ayaa sheegtay in ay ka soo carartay Al-shabaab oo ay dilay aabaheed isla markaana qafaalatay hooyadeed iyo walaalkeed. Laakiin Migrationsverket ayaa u muuqata in aysan midna aysan ku qancin dacwada Sacdiyo iyo da’deeda.

Sacdiya ayaa sadex jeer diidmo la siiyay iyadoo hada la qorshaynayo in wadanka laga musaafuriyo balse ururada u dooda xaquuqda qaxootiga ayaa ku doodaya in cadaalad daro lagu sameeyay Sacdiya isla markaana nidaamka lagu baaray da’deeda uu yahay mid qaldan oo xitaa dhaqtarkii baaritaanka sameeyay uu taasi aaminsanyahay.

Hada ayaa waxaa socota magac ururin la doonayo in lagu joojiyo in Sacdiya laga musaafuriyo wadanka. Waxaan ugu baaqayaa akhristayaasha in ay buuxiyaan magacooda si loogu bandhigo Laanta Socdaalka in dad badan ay ka soo horjeedaan musaafurinta gabadhaan da’da yar. RIIX HALKAAN.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here