Dowlada Sweden oo isku qilaafsan in qaxootiga laga qaado xoriyada doorashada deegaanka

13

Sida ay shalay qortay idaacada Ekot waxaa qilaaf ka dhex taaganyahay xulufada ku midaysan dowlada Sweden ee kala ah xisbiyada Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) kuwaasoo isku qilaafsan sida loo xalinayo dhibaatooyinka isdhexgalka, qaasatan arinta ku saabsan in soo galootigu ay wadanka ka deggi karaan halkii ay doonaan.

Socialdemokraterna (S) ayaa doonaya in sharciga wax laga badalo oo meesha laga saaro xoriyada ay leeyihiin qaxootigu in ay ku doortaan halkii ay wadanka kaga noolaan lahaayeen, iyagoo u baahan adrees oo keliya. Waxay doonayaan in qaxootiga ay Laanta Socdaalka iyo Kamuunda u go’aamiyaan halka ay degayaan.

Miljöpartiet ayaa arintaas si weyn uga soo horjeeda iyagoo aaminsan in aan bani’aadamka xoriyada laga qaadi karin oo ay waajibtahay in dadka soo galootiga ah loola dhaqmo sida Swedishka oo ay meeshii ay doonaan wadanka kaga noolaan karaan. Miljöpartiet ayaa ku doodaya in xalka uu yahay in kor loo qaado heerka nolosha ee xeryaha qaxootiga si aysan magan galyo doonka uga guurin.

Magaalada Södertälje oo ay qabsadeen Syrianka ayaa aad u doonaysa in aan magangalyo doonka la siin xoriyad ay ku doortaan deegaanka, maadaama kumanaan ay sanadkasta soo degaan Södertälje. Magaaladaasi oo ay si wadajir ah u maamulaan Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ayaa ku heshiiyay in qofka soo degayo magaalada la xaqiijiyo in uu haysto guri fiican inta aan oo ogolaan adreeska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here