Dowlada Sweden oo doonaysa in ay joojiso lacagta xanaanada caruurta

20

Dowlada cusub ee Sweden ayaa shaacisay in ay doonayaan in la joojiyo  lacagta xanaanada caruurta ee loo yaqaan (Vårdnadsbidrag) taasoo la siiyo hooyooyinka caruurtooda ku haaya guriga halkii ay xanaanada ka geyn lahaayeen.

Dowlada ayaa ku dhawaaqday in ay baarlamaanka u bandhigi doonto mooshin ku saabsan in la joojiyo lacagta xanaanada caruurta iyagoo sheegay in sababtu ay tahay in lacagtaan ay dhibaato ku tahay isdhexgalka isla markaana ay waalidiin badan ay ka hor istaagtay in ay shaqaystaan. Xisbiga Folkpartiet (FP) ayaa sheegay in ay taageerayaan mooshinka dowlada. Xisbiyada kale ee Alliansen ayaa isku qilaafay arintaan.

Lacagta Vårdnadsbidrag ayaa gaaraysa 3.000kr taaso la siiyo waalidiinta caruurtooda marka ay gaaraan 1 sano ilaa 3 sano ay ku hayn garaan guriga. Sanadkii 2013 ayaa guud ahaan waxaa lacagtaan la siiyay waalidiin gaaraysa 7100 qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here