Ardada dhigata SFI oo la siinayo casharo ku saabsan galmada

14

Sida uu qoray wargeyska SvD, Ardada dhigata koorsada luuqada ee SFI (Svenska för invandrare) ayaa la qorsheynayaa in la baro galmada iyo caafimaadka sida lagu soo bandhigay shir shalay ka dhacay magaalada Göteborg. Qorshaha ayaa ah in macalimiinta caadiga ah ee wax kadhiga SFI ay ardada siiyaan casharo ku saabsan galmada iyo caafimaadka guud ee xubnaha taranka.

– Qorshaha waa in aan faafino guusha aan ka gaarnay mashruucaan oo aan horay uga samaynay gobolka, oo hada la gaarsiiyo guud ahaan wadanka. Macalimiinta iyo ardada ayaa si fiican ula dhacay mashruucaan” ayuu yiri Tommy Pherson oo ah agaasimaha mashruucaan ee xarunta barasha caafimaadka galmada ( Kunskapscentrum för sexuell hälsa i Västra Götalandsregione).

Macalimiinta haweenka ah ayaa waxay casharada siin doonaan ardada haweenka ah, halka raggana ay casharada siin doonaan macaliin ragg ah. Arintaan ayaa lagu sheegay mid ay aad u soo dhaweeyeen ardada. Mashruucaan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo ardada macluumaad muhiim ah ka siinaya sida ay u faafaan cudurada ka dasha galmada sida HIV/AIDS, iyo kuwa la mid ka ah. SFI ayaa ah goob muhiim ah maadaama ardayda dhigata ay yihiin kuwo ku cusub wadanka isla markaana ka yimid wadamo ay ceeb ka tahay in laga hadlo galmada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here