Xisbiyo soo jeediyay in qaxootiga shuruud looga dhigo in ay shaqaystaan luuqadana bartaan

13

Xisbiga Folkpartiet (FP) iyo xisbiga Kristdemokraterna (KD) ee kawada tirsan xulufada mucaaradka ee Alliansen ayaa hindiseyaal ay soo jeediyeen isbuucaan ku sheegay in shuruud looga dhigo qaxootiga imaanaya Sweden in ay luuqada bartaan si baasaboorka loo siiyo isla markaana ay shaqaystaan oo guri helaan si familkooda loola mideeyo.

Waxay kale oo labada xisbi si kala duwan u soo bandhigeen shuruud ah in qaxootiga la siiyo deganaansho ku meel gaar ah, oo haddii ay shaqo helaan loogu badallo mid joogto ah. Waxay sidoo kale ku taliyeen in la joojiyo lacagta la siiyo haweenka gurijoogta ah. Xisbiga Folkpartiet ayaa sidoo kale ku celiyay in shuruud looga dhigo soo galootiga in laga qaado imtixaanka luuqada si baasaboorka ay u qaataan.

Xisbiga Miljöpartiet (MP) ayaa ku tilmaamay hindiseyaasha xisbiyada Alliansen in ay yihiin kuwo aan u wanaagsanayn isdhexgalka maadaama dadka soo galootiga ah ay la soo darsayso xaalad aan rasmi ahayn. Isla markaana xisbiyadaan ay arimahaan ka leeyihiin dano siyaasadeed oo keliya balse ay san xaqiiqo ka ahayn in ay xaliyaan arimaha isdhexgalka.

Dhinaca kale, xisbiga keliya ee ka tirsan Alliansen ee fikrado fiican la yimid ayaa ah Centerpartiet (C) kuwaasoo soo jeediyay in qaxootiga marka ugu horeysa ee ay Sweden yimaadaan la siiyo fursad ay deganaanshaha ku qaadan karaan haddii ay shaqo helaan, taasoo ka degdeg badan halkii ay bilooyin ku jiri lahaayeen xeryaha qaxootiga. Xisbiga ayaa sidoo kale ku taliyay in dowladu ay dhisto dhismayaal ku meel gaar ah si loo xaliyo dhibaatada guryo la’aanta.

Si kastaba ha ahaatee, arimaha isdhexgalka, qaxootiga iyo socdaalka ayaa markale ku soo laabtay masraxa siyaasada Sweden iyadoo ay u muuqato in xisbiyada kale ay hada ku soo baraarugeen guulihii ay gaareen xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) kuwaasoo mudooyinkii dambe hogaanka u haayay dooda isdhexgalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here