Tirada dumarka la guday ee Sweden ku nool oo la shaaciyay

6

Maamulka dhexe ee arrimaha bulshada (Socialstyrelsen) ayaa warbixin cusub oo ay soo saareen ku shaaciyay tirada dumarka la guday ee ku nool Sweden iyo tirada gabdhaha looga cabsi qabo in gudniin lagu sameeyo. Warbixinta Socialstyrelsen ayaa lagu sheegay in shaqaalaha caafimaadka ay u baahanyihiin aqoon dheeri ah oo ku saabsan sidii daryeel caafimaad loo siin lahaa dumarka gudniinka lagu sameeyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sweden ay ku noolyihiin qiyaastii 38 000 dumar ah oo gudniinka lagu sameeyay intii aysan Sweden imaan, kuwaasoo 7 000 ka mid ah ay yihiin gabdho da’dooda ka yartahay 18 sano. Socialstyrelsen ayaa intaas ku daray in ay sameeyeen qiyaas ku aadan tirada gabdhaha da’da yar ee laga cabsi qabo in gudniin lagu sameeyo, taasoo lagu sheegay in ay gaarayso 1900 gabdhood. Waxay sheegeen in ay tiradaas ku xisaabiyeen tirada gabdhaha da’dooda ka yartahay 18 sano, ee hooyadeed ay ka soo jeedo wadamada gudniinka laga sameeyo.

Inkastoo aan la cayimin wadamada ay ka soo jeedaan dumarka warbixinta lagu sheegay, ayay hubaal tahay in dumarka laga hadlayo ay inta badan yihiin Soomaali.

Hay’ada caafimaadka aduunka ee loo yaqaan WHO ayaa shaacisay in guud ahaan aduunka ay ku noolyihiin 140 milyan oo dumar ah kuwaasoo gudniinka lagu sameeyay. Gudniinka gabdhaha ayaa mamnuuc ka ah wadanka Sweden, iyadoo dhowr jeer ay dhacday fadeexado ku saabsan waalidiin Soomaali ah oo gabdhahooda soo guday ama looga shakiyay in ay sidaasi sameeyeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here