Qaxooti la geeyay waqooyiga Sweden oo diiday in ay baska ka degaan

7

Magangalyo doon tiradooda gaaraysa 40 qof oo laga soo qaaday magaalada Malmö ayaa shalay rabshad ka abuuray tuulo lagu magacaabo Grytan oo ku taala duleedka magaalada Östersund. Magangalyo doonkaan oo la geynayo xero lagu haayo dadka qaxootiga ah ayaa markii ay gaareen xerada diiday in ay baska ka degaan iyagoo sheegay in ay doonayaan in la dajiyo magaalo weyn.

Qaxootigaan oo ka soo jeeda wadamo kala duwan ayaa dalbaday in lagu celiyo Malmö ama la geeyo magaalo kale. Waxay sheegeen in goobta la geeyay ay tahay mid aad u qaboow oo aad u fog. Booliska ayaa loo wacay balse waxay diideen in ay dadkaan qasab uga dajiyaan baska.

Afhayeenka Laanta Socdaalka Fredrik Bengtsson ayaa sheegay in marka qaxootigu imaadaan Sweden ay sawir qaldan haystaan, isagoo sheegay in xaalada guryaha ay aad u adagtahay isla markaan aysan magangalyo doonka xaq u lahayn in ay dalbadaan halka la geynayo. Qofkii aan jeclaysan halka la geeyo ayaa xaq u leh in uu iska baxo oo iskiis guri u raadsado.

Magangalyo doonka ayaa sheegay in Migrationsverket ay been u sheegeen, iyagoo loo sheegay in la gaynayo meel Stockholm 40 daqiiqo u jidha balse hada la geeyay meel 15 saacadood loo socdo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here