Nin diiday in uu salaamo haweeney oo shaqadii laga ceyriyay ka dibna dacwad furay

5

Nin Muslim ah oo ku nool degmada Eslöv ee ka tirsan gobolka Skåne ayaa dacweeyay shirkadiisa ka dib markii shaqada laga ceyriyay, isagoo sheegay in diintiisa dartiis lagu cunsuriyeey maadaama uu diiday in uu gacanta ku salaamo haweenka shirkada ka shaqeeya. Ninkaan oo hada dacwad u gudbiyay xeer ilaaliyaha cunsuriyada (diskrimineringsombudsmannen, DO) ayaa sheegay in markii uu shaqada ku soo biiray uu sharaxaad siiyay shirkada oo uu sheegay in uusan dumarka salaami karin maadaama uu Muslim yahay.

Ka dib ayuu sheegay in shaqaalaha dhan ay u jirxumeeyeen isagoo aan si fiican loo barin shaqada, isla markaana aan loo dirin waxbarasho ku saabsanayd shaqada. Mudo ka dib ayuu sheegay in uu la hadlay mid ka mid ah maamulka shirkada balse markaas ka dib shaqada laga ceyriyay. Ninkaan ayaa hada ku doodaya in shaqada looga ceyriyay maadaama uu diiday in uu salaamo dumarka. Xeer Ilaaliyaha Cunsuriyada (diskrimineringsombudsmannen, DO) ayaa hada shirkada ka dalbaday in ay ka jawaabaan su’aalo ku saabsan arinta ninkaan. Haddii ay cadaato in ninkaan uu shaqada ku waayay salaanta darteed ayay u badantahay in shirkadaas la xukumi doono in ay magdhow siiyaan.

Dhacdadaan mid la mid ah ayaa Sweden ka dhacday sanadkii 2006, iyadoo nin Soomaali ah laga goostay lacagtii Arbetsförmedlingen uu ka qaadan jiray ka dib markii uu diiday in uu salaamo haweeney ka shaqaysa goob uu baraatiik ka helay, iyadoo markii dambe Arbetsförmedlingen lagu xukumay in ay siiyaan ninkaas 60 000kr oo magdhow ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here