Muslimiinta Sweden oo taageeray Yuhuuda

14

Ka dib markii habeen hore telefishinka Sweden laga soo daayay naceybka iyo weerada lagu haayo qowmiyada Yuhuuda ee ku dhaqan Sweden ayaa qaar ka mid ah wax garadka iyo culumada Muslimiinta ku nool Sweden ay taageero u muujiyeen Yuhuuda, iyagoo qaarkood ay booqasho ugu tageen goobaha ay ku cibaadaystaan oo ay u geeyeen ubaxyo iyo fariimio nabadeed.

Barnaamijka “Uppdrag granskning” oo ka baxa telefishinka SVT ayaa habeen hore soo bandhigay cunsuriyada, weerada iyo dhibaatada lagu haayo Yuhuuda, iyadoo qaar badan oo ka mid ah dhibaatooyinkaas la sheegay in ay ka dambeeyaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ka careysan dhibaatada ay Israel ku hayso Falastiin.

Dadkii u tagay kaniisada Yuhuuda ee ku taala magaalada Malmö ayaa waxaa ka mid ah Salahuddin Barakat iyo Ibrahim Gicvan oo ka socday jaaliyada Muslimiinta Malmö. Salahuddin Baraka ayaa wargeyska Expressen u sheegay in uu dareemi karo dhibaatada lagu haayo yuhuuda maadaama isaga xitaa la dhibaateeyo oo diintiisa lagu bartilmaameedsado.

Gudoomiyaha jaaliyada Yuhuuda ee Malmö oo lagu magacaabo Jehoshua Kaufman ayaa sheegay in uu aad ugu farxay taageerada Muslimiinta, isla markaana ay go’aansadeen in ay qaataan kulamo kale mustaqbalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here