Mudaharaadyo lagu taageerayo masaajida oo ka dhacay Sweden

12

Shalay waxaa magaalooyinka waaweyn ee Sweden isugu soo baxay kumanaan qof oo isugu jira Muslimiin iyo dad aan Muslim ahayn kuwaasoo u soo baxay in ay taageero u muujiyaan Masaajida ku yaala Sweden oo isbuucyadii la soo dhaafay lagu qaaday weeraro joogto ah.

Bartamaha magaalada Stockholm ayaa waxaa isugu soo baxay kumanaan qof oo watay fariimo ay ku qoranyihiin “Ha taaban masaajidkayga” iyadoo halkaasi ay qudbado ka jeediyeen qaar ka mid ah dadka ugu firfircoon Muslimiinta Sweden. Waxaa sidoo kale goobta ka halay wasiirka dhaqanka Sweden Alice Bah Kuhne. Sidoo kale maalintii jimcaha ayaa waxaa arimaha masaajida ka halay raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven isagoo cambaareeyay weerarada.

Masaajidka Uppsala oo khamiistii la weeraray ayaa hortiisa waxaa isugu soo baxay boqolaal qof iyagoo albaabada masaajidka ku dhajiyay calaamadaha jacelyka iyo fariimo kale. Sidoo kale waxaa dibad baxyo ka dheceen magaalooyinka Göteborg iyo Malmö.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa weeraro joogto ah lagu qaaday masaajida ku yaala wadanka Sweden, iyadoo la gubay masaajidkii Soomaalida ee magaalada Eskilstuna.

Masaajida

moske-sthlm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here