Maxaa kala qabsaday Soomaalida iyo erayga “kintir”

37

Isbuucii hore waxaan qornay mowduuc ku saabsan qaliin lagu sameeyay haween horay loo guday, iyadoo aanan anigu isticmaalin eragay “kintir” oo si sax ah u sharaxaya goobta qaliinka lagu sameeyay balse wariyaasha idaacada Sweden ayaa isticmaalay eraygaas taasoo dhalisay dood kulul oo dhex martay qaar ka mid ah Soomaalida oo ka carooday isticmaalka erayga. Kenadid Mohammed oo ka tirsan idaacada Sweden ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in sababta ay raggu uga xumaadeen arintaan ay tahay in ay awooda leeyihiin.

Kenadiid ayaa iswaydiiyay sababta ay caadi u tahay in la isticmaalo erayga “buuryo” ama “xiniinyaha” marka laga hadlayo xubnaha ragga balse aysan caadi ahayn in la isticmaalo kintir marka dumarka laga hadlayo. Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb qaatay dooda ayaa idaacada u jeediyay in ay isticmaalaan erayo kale oo markii Soomaali ahaan loo fiiriyo aan ka turjumayn macnaha laga hadlayo. Hadalka Kenadiid ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo isticmaalka erayada ay muhiim tahay in dadka qaar waxay rabaan isaga hadlaan, qaarna aan la dhihin ma isticmaali kartaan erayada qaarkood.

Anigu waxaan aaminsanahay in sababta Soomaalidu uga xumaanayaan erayga “kintir” aysan awood raggu leeyihiin ama diinta oo ay dhowrayaan balse ay tahay sababta markii horeba dumarka loo gudayay oo ah in “kintirku” uu yahay wax xun oo gabadha uu ku yaalo ay tahay mid aan nadiif ahayn? Sida buuryada??? Soomaali haddii aan nahay waa laysku caayaa kintirka iyo buuryad balse waa maxay sababta ay caadi u tahay in raggu maalinkasta ay afka ku hayaan Buuryo Buuryo iwm balse laga argagaxo marka la soo qaado kintir. LA YAAB!

Waan ogahay in qaar ka mid ah akhristayaasha ay dhihi doonaan ma haboona in saxaafadu isticmaasho erayadaan balse su’aasha ayaa ah maxaa diidaya in aan isticmaalno si aan kuu fahan siino mowduuca guntiisa? Isbuucii hore ayay ahayd markii qaar ka  mid ah akhristayaasheena ay iigu baaqeen in aanan isticmaalin erayga “habar” mar aan wax ka qoray mowduuc ku saabsan haweenay Swedish ah oo Soomaalida wax ka sheegtay.

Maxaad ku darsan lahayd adigu oo fikrad ah?

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here