Magaalada Borlänge oo 2 maalmood u dabaaldagaysa dhaqanka Soomaalida

4

Magaalada Borlänge oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u fara badan ayaa qorshaynaysa in ay qabato 2 maalmood oo loogu magacdaray “Mångfaldsdagar” kuwaasoo loo dabaal daggi doono dhaqamada kala duwan iyo qowmiyadaha kala duwan ee ku nool magaalada, qaasatan dhaqanka Soomaalida maadaama uu soo bixi doono isla xiligaas filim laga sameeyay Soomaalida ku nool Borlänge iyo kooxda ciyaartoyda barafka ee Somalia Bandy.

Labada maalmood oo kala ah 26-27 januari ayaa magaalada waxaa lagu qaban doonaa bandhigyo iyo xaflado kala duwan oo ku saabsan dhaqanka Soomaalida, sida suugaanta, cuntada iyo waxyaabo kale. Fikirkaan ayaa waxaa ka dambeeya ninka lagu magacaabo Patrik Andersson oo ah ninkii aasaasay kooxda barafka ee Somalia Bandy. Isaga oo ka hadlaya sababta ka dambaysa barnaamijkaan ayuu sheegay in uu doonayo in la faafiyo sawirka qurxoon ee magaalada Borlänge iyo dhaqamada ku nool.

Filimka loogu magacdaray “Trevligt folk” ama “Dad wanaagsan” ayaa waxaa sameeyay labada nin ee caanka ka ah Sweden ee lagu magacaabo Filip iyo Fredrik kuwaasoo filimka ku soo bandhigaya sheegada xiisaha badan ee ku saabsan kooxda kubada barafka ee Somalia Bandy iyo guud ahaan magaalada Borlänge Soomaalida ku nool iyo sida ay tahay noloshooda.

Borlänge ayaa u muuqata in ay noqotay magaalo ku faanta dhaqanka Soomaalida, iyadoo ay magaalooyinka kale ay cabasho iyo waxyaabo kale ku mashquulsanyihiin. Waxaan leenahay Hambalyo Borlänge. Cidii ka qayb gali karta ha iska xaadiriso Borlänge January 26-27.

Kooxda Somalia Bandy oo sanadkii hore ka qeyb gashay ciyaaraha aduunka ee barafka oo lagu qabtay wadanka Ruushka, ayaa sanadkaan doonaya in ay markale ka qeyb galaan, iyadoo hada la soo xulay ciyaartoyda ka qeyb gali doonta ciyaaraha aduunka Bandy 2015 oo markale lagu qaban doono Ruushka. Halkaan ka daawo sawirada ciyaarotyda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here