Masaajida Sweden oo la siinayo lacag amaanka lagu sugo

4

Masaajido badan ayaa waxay dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay codsadeen lacag ay ku haagaajinayaan amniga xarumaha masaajidadu kuyaalaan. Qalabka loobaahanyahay ayaa ah Muraayado ad adag iyo Kaamerooyin.

Arintaani waxay kusaabsantahay naf bini aadan sidaas darteed waxaan xidhiidh lasamynay shirkad si ay u qiimayso waxii qarash ah ee galaya . Taas waxaa dhahay Samer Aburahmeh oo ah afhayeenka Masaajidka Uppsala hada kahorna laweeraray.

Kadib go áan baarlamaanku gaadhay waxay Gudiga hoose ee Taageerta diimaha ee loosoo gaabiyo magacooda (SST ) ugu deeqday masaajidada 3 malyan oo Karoon si wax looga qabto arimaha amniga masaajidada.

Waxay ahayd sanadkii hore markii masaajido badan oo wadankaa la weeraray ha ugu danbeeyaan dhacdooyinkii bishii December ee sanadkii tagay.

Weerarkii dhawaan ka dhacay Paris ayaa isaguna waxa uu abuuray cabsi wayn oo dhanka muslimiinta ah in ay soo weeraraan dad aar goosi ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here