Naceybta Islaamka iyo Muslimiinta miyaa ku soo batay Sweden?

19

Naceybka, hanjabaadaha, aflagaadada iyo weerada lagu haayo Muslimiinta ku nool Sweden ayaa soo batay sanadihii dambe sida lagu qoray wargeyska caanka ah ee Aftonbladet. Wargeyska oo wareysi ka qaaday shaqsiyaad Muslimiin ah oo door kala duwan ka ciyaara bulshada ayaa sheegay in dhibaatada lagu haayo Muslimiinta ay ku soo badanayso Sweden. Dumarka Muslimiinta ayaa lagu weeraraa wadooyinka, masaajida ayaa la gubaa, muslimiinta ayaa shaqada lagu cunsuriyeeyaa iyo dhibaatoyin kale oo badan.

Naceybta iyo aflagaada Muslimiinta lagu haayo ayaa u muuqata in ay noqotay mid caadi ah oo ay aqbaleen siyaasiyiinta, booliska iyo bulshada Sweden. Iyadoo aan sida looga hadlo Islaamka iyo Muslimiinta aan looga hadlin umadaha kale iyo diimaha kale. Qofkii Muslim ah ee ka soo muuqda saxaafada Sweden ayaa durbadiiba la kulma hanjabaad iyo aflagaado loogu soo diro boostada, emailka iyo telefoonka oo laga soo waco.

Sweden ayaa u muuqata in ay ku socoto wado mugdi ah oo dadka Muslimiinta ah ay noqdeen kuwo bartilmaameed laga dhigno. Cunsuriyada ayaa u muuqada in ay kor u sii kacayso oo xitaa ay baarlamaanka Sweden hada ku jiraan. Balse Sweden ma ahan kaligeed, dhamaan wadamada Yurub ayaa waxaa ku soo badanaya naceybka Islaamka iyo Muslimiinta. Wadanka Germany ayaa isbuucaan waxaa isugu baxay dad gaaraya 18000 qof oo ka soo horjeeda Islaamka.

Sidee kula tahay mustaqbalka Muslimiinta Sweden? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here