Xisbiga Moderaterna oo hogaamiye cusub magacaabay

2

Xisbiga Moderaterna oo hogaanka Sweden hayay ilaa sanadki 2006 ayaa magacaabay hogaamiye cusub ka dib markii uu iscasilay raysal wasaarihi hore ee Sweden Fredrik Reinfeldt. Xisbiga ayaa hogaamiyaha cusub u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anna Kinberg Batra oo 44 sano jir ah.

Haweeneydaan ayaa la filayaa in hogaamiye nimadeeda lagu ansixiyo kulanka xisbiga uu yeelan doono 10 bisha Janaayo, iyagoo hada isku diyaarinaya in ay dib ula wareegaan hogaanka Sweden ka dib doorashada la qaban doono bisha Maarso 22. Haddii ay ku guuleystaan doorashada ayay noqon kartaa raysal wasaarihii ugu horeeyay ee haween ah oo Sweden ay yeelato.

Ka dib markii ay aqbashay magacaabisteeda ayay sheegtay in ay muhiimada siin doonto horumarinta dhaqaalaha wadanka.

Raysal wasaarihii hore ee Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa iscasilay ka dib markii xisbigiisa looga adkaaday doorashadii dhacday bishii September balse hogaanka xisbiga Social Demokraterna iyo hogaamiyahooda cusub ee Stefan Lofven ayaa noqday mid gaaban, isagoo doorasho cusub ku dhawaaqay isbuucii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here