SD oo doonaysa in soo galootiga lacag la siiyo si ay u laabtaan

4

Xoghayaha guud ee xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) Björn Söder ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wargeyska Dagens Nyheter ku sheegay in ay fiicantahay in soo galootiga la siiyo lacag si ay wadankoodii ugu noqdaan. Söder ayaa intaas ku daray in Yuhuuda, Kurdiga, iyo Saamiyiintu aysan ahayn Swedish.

Söder oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Sweden ayaa si qoto dheer uga hadlay waxa uu ku tilmaamay Swedishnimada iyo qilaafaadka ay keeni karaan qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Sweden. Hadaladiisa ku aadan Yuhuuda ayaa durbadiiba cambareeyn weyn la kulmay balse xisbiga SD ayaa u muuqda mid maalmahaan kacsan oo kalsooni dheeraad ah ay gashay.

Ka dib markii lagu dhawaaqay in doorasho cusub ay ka dhici doonto Sweden bisha maarso ayaa afti ururinta ugu dambeysa muujinaysaa in taageerada xisbiga SD ay kor u kacday, iyagoo helay 18%. SD ayaa la filayaa in ay ka faa’idaan tooshka saxaafada ee ku aadan, madaama ay ka dambeeyeen burburka dowlada Löfven.

Haddii xisbiga SD uu sii xoogaysto, ayay taasi cabsi weyn iyo qatar joogto ah ku abuuri doontaa soo galootiga ku nool Sweden, qaasatan Muslimiinta iyo Soomaalida, oo xisbigaas bartilmaameed u ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here