Masaajid xalay lagu gubay Eslöv

2

Markale ayaa masaajid lagu gubay Sweden, iyadoo xalay salaadii subaxa la gubay masaajid ku yaala degmada Eslöv ee ka tirsan gobolka Skåne. Masaajidkaan oo horay dhowr jeer loo weeraray ayaa xalay lagu tuuray dab kaasoo waxyeelo gaarsiiyay masaajidka. Dab damiska iyo booliska ayaa durbadiiba goobta yimid iyagoo ku guuleystay in ay damiyaan dabka. Booliska ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in masaajidka kas loo gubay.

Isla masaajidkaan ayaa bishii hore waxaa lagu weeraray qamri iyo kondom la isticmaalay.

Weerarada lagu haayo masaajida ayaa sanadkaan Sweden aad ugu soo batay, iyadoo isla isbuucaan ay ahayd markii masaajid ku yaala magaalada Eskilstuna la gubay, isagoo ay dad badani salaada ku jireen. Masaajidkaas ayaa qaasatan waxaa ku tukada Soomaalida.

Dhacdooyinka nuucaan ah ayaa muujinaya awooda cunsuriyiinta ee soo badanaysa iyo in ay doonayaan in ay ujeedadooda ku gaaraan dagaal iyo qalalaase. Dowlada Sweden ayaa u muuqata mid aan muhiimad weyn siinayn dhowrida masaajida Muslimiinta, iyadoo sanadkaan markii la weeraray kaniisada Yuhuuda ay durbadiiba u kordhisay lacagaha taageerada si kor loo qaado amaankooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here